28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Qarax aad u culus oo goordhow ka dhacay Mahadaay & Khasaaro ka dhashay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Dagmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax aad u culus.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa Miino lagu aasay dhulka taa oo la kacday Gaari nooca loo yaqaan Iskarogaha xili uumaraayay wadada isku xirta deeganad Miir-taqwo iyo Biya cade.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba ruux oo la socday Gaariga, halka laba kalane ay ku dhaawacmeen Qaraxa, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Maamulka Dagmada Mahadaay, ayaa sheegay in mid ka mid ah laba dhaawa uu soo gaaray ay aad u xuntahay xaaladiisa.

Dhinaca kale, Saraakiisha amaanka Dagmada Mahadaay ayaan wali ka hadal Qaraxa miino ee loo dhigay gaariga.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar 
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News