28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Gabdhaha Bush oo Warqad Cajiib ah u diray Gabdhaha Obama

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Gabdhaha Bush ayaa waraaq furan u diray gabdhaha uu dhalay Obama oo saacadaha soo socda ka guuri doona Aqalka Cad ee Mareykanka halkaasi oo ay deegaan ku ahaayen mudada uu xilka hayay Obama oo ku eg labaatanka bisha Jannaayo.

Jenna Bush-Hager iyo Barbara Bush ayaa warqaddan u qoray si ay nolosha cusub ugu tilmaamaan gabdhaha Obama, waxa ayna qoraalkooda ku qeexeen inay soo dhaweeyaan Nolosha caadiga ah oo ay gali doonaan.

Jenna Bush-Hager iyo Barbara Bush ayaa iyagu Aqalka Cad ku nool 8 sano intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2009kii, intaas ka dibna waxay billaabeen jaamacado iyo shaqo.

Jariidadda Time Magazine ayaa qortay in Malia Obama ay waxbarasho degree ah ka bilaabi doonto Jaamacadda Harvard University qaybta dambe ee sanadkan.

Jariidadda Time Magazine, ayaa qortay qoraalka loo diray Gabdhaha uu dhalay Obama waxaana kamid ahaa Nuqulada qoraalka ”Malia iyo Sasha muddo laga joogo 8 sanno ka hor bishii Nofembar xili uu jiray qabow waxaan isku macsalaameynay iridka hore ee Aqalka Cad waxaa idinka muuqday farxad iyo inaad ka wardoontaan nolosha Aqalka Cad”

Nuqulada qoraalka ee loo diray Malia iyo Sasha oo ay soo xigatay BBC ayaa waxaa kamid ahaa ”Waxaan wakhti hore ka soo tagnay shaqooyin kanagii Baltimore iyo New York waxaana u safarnay magaalada Washington si aan idiin kala barno Aqalka cad”

Nuqulada ay soo xigatay BBC ayaa sidoo kale u dhacay ”Afarteenuba waxaan si tartiib ah u dhex lugaynay hoolalka cajiibka ah ee ku yaalla gurigaas oo aad ku qasbanaydeen in aad u soo wareegtaan”

“Sideed sano ka dib wax badan ayaa idiin qabsoomay. Wax badanna waad aragteen”

“Hadda waxaad ku biiri doontaan koox kale, idinkoo ka mid noqon doona caruurtii madaxda hore, idinku maydaan dalbanin mana jirto wax shuruuc ah oo u dajisan kooxdaas”

Gabdhaha Bush, waxa ay sidoo kale, Malia iyo Sasha dib u xusuusiyeen Noloshii hore waxa ayna ugu baaqeen inay dib u dhadhamiyaan Noloshii hore maadaama uu ka dhamaaday wakhtigii ay ku naaloonayeen Aqalka Cad.

Malia iyo Sasha waxaa loogu baaqay inay la noolaadan Asxaabtii ay horay uga baadiyoobeen si bey yiraahdeen dib ula midoobaan kuwii ay ka sareeyen marka la eego Nolosha.

Warqada loo diray Malia iyo Sasha waxaa sidoo kale lagu yiri “Waxaad ku soo noolaydeen cadaadiska aan la aamini karin ee Aqalka cad, waxaad dhagaysateen eedaymaha ad’adag ee waalidkiin ay u soo jeedinayaan dad aan xataa waligood la kulmin”

“Gabdh dhuuban oo qabta saakadeedii ugu qurux sanayd waxay u muuqatay da’yar, laakiin ma aysan ahayn”

Warqadaani loo diray Malia iyo Sasha oo Saxaafada ay la wadaageen Gabdhaha Bush, waa mid dhaqan u noqotay Gabdhaha ay dhaleen Madaxweynayaasha xilalka kasoo qabta dalka Mareykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News