25.1 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Musharaxiin aan la fileynin oo ku soo bixi doorashada madaxweynaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isbedel muuqda ku imaaday dhammaan qorshihii Doorasho oo ay wadeen Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Somalia, waxaana lasoo warinayaa in Isbedelka Muuqda ay Hogaaminayaan Xildhibaanada cusub ee kusoo biiray Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanada kusoo biiray Baarlamaanka ayaa aad uga soo horjeeda qorshihii ay wadeen Xildhibaanadii hore waxa ayna is hortaageen in Madaxweynaha Cusub lagu soo doorto bixinta Laaluushka.

Xildhibaanada Cusub ayaa diiday inay qaatan Laaluushka waxa ayna taa bedelkeeda sheegen in Musharax waliba ay kusoo dooran doonaan waxqabadkiisa iyo Baahida ay u qabaan Bulshada in la helo Madaxweyne isbedel la imaada.

Xildhibaanadii hore ayaa waxaa iminka la soo darisay welwel ku aadan in kuwa Cusub ay sabab u noqdaan Laaluushkii ay ka qaadan jireen Musharaxiinta waxa ayna taa saameyn ku yeelan doontaa dhammaan Musharaxiinta lagu eedeeyo in dalka ay u horseeden Musuq-maasuq iyo ku xadgudubka Hantida Qaran.

Qorshaha Xildhibaanada Cusub ayaa meesha ka saari doona qaadashada Laaluushka, Nin jecleysiga, Cod iibsiga iyo Xildhibaanada la xod-xodan jiray, waxa ayna taa suuragalin doontaa in dalka uu yeesho Madaxweyne aan lagu dooran Laaluush.

Waxa uu qorshahaani dhabar-jab ku noqon doonaa Musharaxiin uu kamid yahay Madaxweynaha sida KMG u haya talada dalka.

Sidoo kale, waxa uu qorshaha Xildhibaanada Cusub dhiiragalin iyo Guul’ba u noqon doonaa Musharaxiinta aan heysan dhaqaalaha ee dooneysa inay Hogaamiso dalka.

Si kastaba ah ahaatee, qorshahaani cusub ayaa suuragalinkara in dalka Somalia 4 sano ee soo socta uu Hogaamiyo Madaxweyne aan la fileynin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News