26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Warar kusoo kordhay Xariga Majaajiliiste Ajakis loogu geystay magaalada Hargeysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xariga magaalada Hargeysa loogu geystay Majaajiliiste Cabdi Muruudi Ajakis.

Masuuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa sheegay in xabsiga laga sii deyn doono Ajakis, balse waxaa lagu soo celinayaa magaalada Muqdisho, sida wararka aan ku heleyno.

Sababaha loo xiray Ajakis ayaa lagu sheegayaa inay tahay inuusan heysan warqada ogolaanshaha ee uu ku galayo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Masuuliyiinta ayaa waxay sheegeen in dadka ka shaqeeya saxaafada marka hore warqad ogolaansho ka helaan waaxda socdaalka ee Somaliland.

Balse Ajakis uusan helin warqadaasi, kadibna uu tagay magaalada Hargeysa.

Warbaahinta Somaliland ayaa hadal heysta in Ajakis lagu soo celin doono magaalada Muqdisho ama loo ogolaan doono inuu gudaha u galo magaalada Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News