Muqdisho (Caasimada Online) – Murashaxa Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole, ayaa goordhaweyd ka dagay magaalada Muqdisho Caasimadda Somalia, halkaasoo ah goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha.
Mas’uuliyiin iyo bulshada ku dhaqan caasimadda Somalia ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Faroole, ayaa saaka kasoo safray magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya, halkaasoo muddo dhowr maalin ah ku sugnaa.
Mar uu saxaafada kula hadlay Caasimadda Somalia, ayuu sheegay inuu in haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu Mideyn doono dalka, sidoo kalena hormar la taaban karo gaarsiin doono Somalia.
Faroole ayaa sheegay go’aan yaba leh balse ah mid sax ah isaga oo sheegay inaanu marnaba lacag ku bixin doonin codadka xildhibaanada.
“Lacag laaluush ah kuma bixin doono doorashada Xilka Madaxweyne, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in Shaqsi lacag ku iibsaday Kursiga, uusan Soomaaliya Hormar gaarsiin karin,” Ayuu yiri mudane Faroole.
Socdaalka Cabdiraxmaan Faroole, ayaa la xariirta arrimihiisa doorashada, waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.
Wuxuu sidoo kale tagista murashaxu kusoo beegantay xilli maanta ay khudbado jeedinayaan mas’uuliyiinta u sharaxan guddoonka aqalka Sare.
Faroole, ayaa ah Xildhibaan ka mid ah Aqalka Sare Somalia, waxaana mudanayaasha maalinta bari ah dooran doonaan guddoonkooda oo ay u sharaxan yihiin 16 qof.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]