25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Qarax uu ku dhintay Taliyaha Booliska G/Sh/Dhexe oo goordhow ka dhacay Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabelle.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Qaraxa ayaa waxaa lagu weeraray Xarunta Taliska Ciidanka Magaalada Jowhar, waxaana halkaasi ku sugnaa Taliyaha, Saraakiil iyo Ciidamo dhowr ah.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Saraakiil iyo Ciidamo la socday Taliyaha.

Bartilmaameedka Qaraxa ayaa ahaa Taliyaha ku geeriyooday Qaraxa, waxa uuna weerarka dhacay xili Taliyaha uu ku howlanaa Howlgalo lagu xaqiijinaayay Amniga.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamo ka tirsan Dowlada kuwaa oo baaritaano ku haya Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News