25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Aqalka Sare, ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka.

Doorashada ayaa waxaa ku loolamaaya 16 kuwaa oo raja ka qaba inay ku kala fadhiistaan Seddexda Kursi.

Xildhibaan Dhega-juun oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, ayaa sheegay in maanta oo Axad ah ay ku beegan tahay xiliga lagu heshiiyay qabsoomida Doorashada.

Dhega-juun, waxa uu sheegay in isla maanta laga soo jeesan doono Doorashada, haddii ay suurowdo, waxa uuna meesha ka saaray in dib u dhac ay ku imaankarto Doorashada.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

Labada Musharax ee u taagan Guddoonka Aqalka Sare

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi, ildhibaan hore
  2. Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News