Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa u muuqda inuu si rasmi ah ula wareegay hogaanka dalka, kadib go’aan maanta kasoo baxay baarlamanka.
Go’aanka baarlamanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu la wareegay laamaha amniga ee sugi doona nabad galyada doorashada iyo maamulka ilaha dhaqaalaha dalka, kuwaas oo ka mid ahaa howlaha ama awoodaha madaxweynaha.
Qodobada ay ka doodeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Dalka ayaa waxaa kamid ahaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu gabi ahaan qaato waajibaadkan, taa oo ka turjumeysa in qeyb weyn oo ka mid ah awoodaha madaxweynaha uu qaatay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale maamuli doona doorashooyinka iyo dhammaan wax waliba oo khuseeya arrimaha doorashada inta laga dooran doona madaxweyne rasmi ah oo uu yeesho dalka.
Go’aankaani waxa uu meesha ka saari doonaa Cabashooyinka kasoo yeeray Musharaxiinta qaar oo ahaa in Madaxweyne Xasan uusan maamulin qodobada hadda lagu wareejiyey Jawaari.
Dastuurka dalka ayaa waxaa ku qoran in xilka madaxweynaha uu banaanaan karo kaliya marka madaxweynaha is-casilo, ama geeri ku timaado ama xilka laga qaado, kuwaasi oo aan hadda dhammaan jirin.
Lama oga sida ay isku waafaqi doonaan in Jawaari lagu wareejiyey dhammaan awoodahan, haddana sidaas oo ay tahay dalka uu weli madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh, ayada oo aanay baarlamanka shaacin in taas wax iska bedeleyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

