Sawirro: Gambia oo lagu qabtay gaadiid qaali ah oo uu la baxsan lahaa Jammeh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Gambia, Adama Barrow, ayaa mamnuucay in Garoomada dalkiisa laga dhoofiyo Gaadiid qaali ah oo uu doonaayay inuu rarto Madaxweynaha laga guuleystay Yaxye Jammeh.

Mai Ahmed Fatty oo ah La-taliyaha dhanka Amaanka Madaxweynaha cusub ee Gambia oo la hadlaayay Warbaahinta Gambia ayaa sheegay in Adama Barrow uu mamnuucay in Garoomada dalka laga dhoofiyo Gaadiidka qaaliga ah oo ay leedahay Dowlada.

La-taliyaha Madaxweyne Adama Barrow, ayaa sheegay in Gaadiidkaasi ay yihiin kuwo uu doonaayay inuu la baxsado Yaxye Jammeh.

Mai Ahmed Fatty ayaa sheegay in gaadiid qaali ah oo loo waday in laga daba geeyo Madaxweynihii hore ee Gambia Yaxye Jammeh lagu xanibaya Garoonka.

Sidoo kale, Mai Ahmed Fatty, ayaa sheegay in gaadiidkaas amar lagu bixiyay inaysan ka bixin dalka.