Fariintii gabadha reer Suuriya ay u dirta Trump oo qiiro gelisay dad badan (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar u dhalatay dalka Syria ayaa fariin u dirtay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Fariinta gabadha ayaa qiiro gelisay dad badan oo ku nool wadamada Reer Galbeed, waxayna qabsatay baraha Twiter-ka iyo facebook.

Warqaddii ay Bana Alabed u qortay madaxwayne Trump

Mudane Donald Trump,

Magacaygu waa Bana Alabed waxaana jiraa todobo sano waxaan ahay gabadh reer Suuriya ah oo Xalab ka timid.

Noloshayda oo dhan Suuriya ayaan ku noolaa ka hor inta aanan ka soo tagin bariga magaalada Xalab ee go’doonsan bishii Desembar. Waxaan ka mid ahay carruurta Suuriyaanka ah ee dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka Suuriya.

Laakiin hadda nabad ayaan ku haystaa gurigayga cusub ee Turkiga. Markaan Xalab joogay iskuul ayaan dhigan jiray laakiin durba waxaa burburiyay duqaynta.

Qaar ka mid ah saaxiibaday ayaana ku dhintay.

Aad ayaan uga walwal sanahay iyaga waxaana jeclaan lahaa in ay ila joogaan sababtoo hadda waan wada ciyaari lahayn. Xalab kuma ciyaari karin waayo waxay ahayd magaalo geeri.

Turkiga banaanka ayaan u bixi karaa oon ku soo raaxaysan karaa. Iskuul ayaan aadi karaa inkastoo aanan wali billaabin waxbarasho. Taasina waa sababta ay qofkaste muhiim ugu tahay nabaddu xataa adiga.

Si kastaba ha ahaatee malaayiin Suuriyaan ah ayaan aniga oo kale ahayn, waxayna dhibaato ku haysataa qaybaha kala duwan ee dalka Suuriya. Dhibaatadaasna waxaa ku haya dad qaangaar ah.

Waxaan ogahay in aad noqon doonto madaxwaynaha Maraykanka, sidaa awgeed fadlan ma badbaadin kartaa carruurta iyo dadka Suuriya? Waxaa waajib ah in aad wax u qabato carruurta Suuriya sababtoo ah waa carruurtaada oo kale waxayna mudan yihiin in ay nabad helaan sidaada oo kale.

Haddaad iga ballan qaado in aad wax u qabato carruurta Suuriya, markaas saaxibadaa ayaan ahay.

Way i farxadgalin doontaa wixii aad u qabato carruurta Suuriya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com