27.9 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Guddiga doorashooyinka oo ay ku adkaan doonta hirgalinta 3 qodob

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa isla qaadaa dhigay ilaa 6 Qodob oo looga baahan yahay in Labada Aqal ay ku shaqeeyan inta lagu guda jiro Doorashada Somalia, gaar ahaan tan heerka Madaxweyne.

Xildhibaanada qaar ayaa aad u dhaliilsan hirgalinta 6 qodob sababo la xiriira xiliga kala guurka iyo la socodka Guddiyada loo xilsaaray qodobadaasi oo aad uga yaraan doona sida loogu tallo galay.

Qodobada ay dhaliishu ka taagan tahay ayaa waxaa kamid ah:

1-In ciidamada Ammaanka ee xaqiijinaya goobta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha ay ka amar qaataan gudoonka Baarlamaanka.

2-Lacagaha laga qaado Musharaxiinta qeyb ka mid ah in lagu bixiyo abaaraha ka jira dalka.

3-In la sameeyo Guddiga Madaxa Banaan ee ka hortaga Musuq maasuqa.

Qodobka koowaad ee ku aadan in Guddiga Doorashada ay maamulaan Ciidamada ayaa aad looga deeriyay kadib markii walaaca laga muujiyay in Taliyayaasha Hay’adaha Amaanka ay sameeyan faragalin maadaama iyaga ay gacanta ku hayaan Amaanka dalka, waxaana suuragal ah in Guddiga qudhooda ay u hanqaltaagan arrimaha Doorashooyinka iyo Heshiisyada ay la galayaan Musharaxiinta.

Qodobka labaad ee la xiriira in Lacagaha laga qaadaayo Musharaxiinta loo isticmaalo Abaaraha ka jira dalka, ayaa waxaa arrintaasi lagu sheegay inaysan suuragali doonin, iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay in dhaqaalahaasi ay ku dhex lumikarto Hogaanka ugu sareeya dalka ama Guddiga sida KMG ah uga shaqeynaayo arrimaha Doorashooyinka, waxaana suuragal ah in dib loo eego 3 Milyan oo DFS ay ku bixisay Abaaraha, taa oo looga kaaftoomikaro in mar kale Abaaraha jira lagu bixiyo Lacag intaa dhan.

Qodobka Seddexaad ee ku xeeran howlgalinta Guddig ka hortaga Musuqa ayaa waxaa la aaminsan yahay in Guddigaasi uusan koontarooli karin lacagaha looga cabsiqabo Musuqa, maadaama Dowlada lagu eedeeyay in horay ay u koontarooli weysay Musuqa, iyadoo ay suuragal tahay in Guddiga ka hortaga Musuqa laga weeciyo dhammaan Ishaarooyinka ay kula socon lahaayen dhaqaalaha kasoo xaroonaaya Musharaxiinta iyo Miisaanka dhaqaale ee ku bixi doona diyaarinta Doorashada.

Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay u sheegay in Dowladiisu ay isku dayday inay ka hortagto Musuqa, hayeeshee ay xakameyn weyday balse ilaa xad ay la dagaalantay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u adag in Guddiga loo xilsaaray Seddexda qodob ee kor ku xusan ay si muuqda u hirgaliyaan faragalin jirta darteed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News