Xaqiijinta Isbeddelka cusub ee Geeska Afrika (3 arrimood)

Isbeddelka Geeska Afrika (Soomaaliya), wuxuu doonayaa: saddex arrimmood (3):

1- in Madaxda qaranka oo dhan (agaasime ilaa madaxweyne) ay ballan-qaadaan illaallinta Hannaankii Caalamiga ah ee Bariga Afrika (ACS), kaas oo ka bilowday London kuna dhammaaday Mareykan ka dib Markuu sii maray Istanbuul.

Hannaanka, oo ku qotoma Xuquuqda Bani-aadamka wuxuu Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka u horseedayaa: nabad, caddaallad iyo horumar midaysan oo ay aqoonsanyihiin; Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qarammada Midoobay.

2- in xildhibaannada cusub ay doortaan hoggaan haysta kalsoonida ummadda Soomaaliyeed iyo tan Caalamka, kaas oo leh: kart, aqoon iyo aragti-siyaasaddeed oo leh barnaamij horumarinneed oo ku qotoma duruufaha dalka ka jira, Isla markaana ay isugu midyihiin: muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo maammul-maammul-gobolleedyada.

 “Dhibaatooyinka jira xalkoodu waa hoggaan wanaagsan

Hoggaanka Cusub, waa in noqdaa mid ummadda dhex u ah, oo uusan noqon mid si gaar ah ugu TIIRSAN: beel, urur ama maammul-gobolleed gaar ah. Hoggaanku, waa in uu ahmiyadda kowaad siiyo awooddaynta iyo ballaarinta nidaamka dowliga ah.

Soomaaliya, waa dal-weyn oo HODAN ah, dadkiisuna yar yahay, sidaas darteed, isbeddelka cusub (hoggaanka) waa in afar

sanno gudahood uu ku suurogaliyo sidii muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu u helli hellaa: shaqo, caafiimaad iyo waxbarasho lacag la’aan ah.

Horumarka dalka, waxaa aasaas u ah ammaan iyo caddaallad waxaayna u baahanyihiin barnaamij qaran oo labba qaybood ah: in kooxaha dowladda mucaaradka ku ah wadahadal dhab ah lalla furo iyo in Soomaalidu dhisato hay’adihii ammaanka. Waxaa ceeb nugu ah in aan xal u weyno carruurteena oo aan dhahno ‘Caalamku ha naga difaaco’

3- dowladnimadu waa maslaxad heshiis lugu yahay, waxaayna noqotaa sharci, sidaas awgeed, arrinta Gobolladda Wuqooyi (Somaliland) waa in laga qanciyo oo awood-qaybsiga saddexda xil ee dalka ugu sareeya ay mid hellaan.

Arranti si kastaba ha ahaatee, waxaay hortaal Xildhibaannada Baarlamaanka oo ka turjumaya dareenka shacabka iyo dannaha dalka, waxaana laga sugayaa in ay u middoobaan sidii ay ku dooran lahaayeen shaqsi xaqiijin kara Isbeddelka Bariga Afrika (IBA) u baahna yahay.

Waad ku mahadsantahay akhriska qormada

W/Q: Cllaahi Gurato: gurato5@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com