Anigu waa wareeraye meeqa Gen. Gabre ayaa jirta? (Xog-warran)

A- Waxaan dhax fadhiyay Hotel Jazeera- Mogadishu, waxaan mobilka ka wacay saaxiibkeey Xassan Yare oo ka tirsan madaxtooyada Somaliland-Hargeysa,waa iga qabtay waxa uuna igu yiri: i sug 5 daqiiqo kadib ayaan kugu soo celinayaa, hadda ayaa waxaa xafiiska noogu soo galay Jan. Gabre, khadkiina waa igu jaray.

Hal daqiiqo kadib ayaan wacay saaxiibkeey Cumar Madey oo jooga madaxtooyada Baydhaba, wuxuu igu yiri: igu soo celi maamulka k/Galbeed iyo Jan. Gabre ayaan shir kula jiraa. Islamarkii ayaan wacay Dahaba Cusman oo ka tirsan Uruka Haweenka Galmudug, waxa ay igu tiri : igu soo celi, Hadda waxaan joognaa Airporka Cadaado oo Jan. Gabre oo hadda soo dagay ayaan soo dhaweeyneeynaa.Laba daqiiqa kadib waxaan wacay Cabdi Kuus oo Kismayo joogo waxa uu igu yiri: igu soo celi, waxaa socota khudbadii Jan. Gabre uu u jeedinayay ciidan tababar loo xirayo. Waan yaabay ma anigaa wareersan!!! Waxaan hora ka wacay Xuseen Fiidow, Afhayeenka Hirshabeele oo Jowhar jooga waxa uu igu yiri: igu soo celi, Baarlamaanka Hirshabeele ayaa talo ka qaadanaya Jen. Gabre.

Islamarkii ayaan wacay saaxiibkeey Jamac Nuur oo ka mid ah agaasimayaasha xafiiska madaxweynaha Puntland, waa igu jaray telofonkii, haddana waan ku celiyay, wuxuu igu yiri: igu soo celi Jan. Gabre oo careeysan ayaa i hor taagane.

Saddax daqiiqo kadib waxaan wacay Axmad Nuur oo ah madaxa brotokoolka Villa Somalia waxa uu igu yiri: igu soo celi, waxaa hadda noo soo galay wafdigii IGAD ee Jan. Gabre Hogaminayay.

Waan yaabay !!!! sidee 15 daqiiqo gudahood hal qof ku wada joogi karaa intaas oo meel. Gadaal ayaan fiiriyay kursiga iga dambeeya waxaa fadhiya, Major General: Gabre Adhana Welezgu iyo lix xildhibaan.B – Waxaan soo xasuustay dhab ahaan in ay asaga hoos tagaan shan Janaral oo kala ah: 1- Jeneral Berhu Tesfaye oo Hargeysa jooga. 2 – Jeneral Abraham Alemu oo Garoowe jooga. 3- Jeneral Gebresilasia Mokane oo Goballada dhexe jooga 4 – Jeneral Gebemedin Fekedu oo K/galbeed jooga iyo 5 – Jeneral Taferi oo Jubaland jooga

Qofku ma hal Gabraa mise photo copy ayaa lagu badiyay oo halba meel ayaa loo diray, mise madaxdaa ka baqee oo Itoobiyaankii ay arkaanba Gabre u maleeya? Haddii madaxdii ka baqday, anoo sacabooleey ah Xamarna jooga, saddax marna aan Jananka hore isku dagaalnay ????

Anigu wareeraye adigaan kaa sugaa Jawaabta?.
FG. Qoraalkan Qeybta “A” waa hal abuur.
Qore: Prof. Yaxye Sheekh Caamir