Donald Trump oo maanta qaxootiga Soomaalida ka mamnuucaya Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta saxiixo dhowr amar fulineed oo lagu xadidayo qaxootiga imanaya dalka Mareykanka, sida ay sheegeen ilo wareedyo isaga ku dhow.

Amarka Trump ayaa la filayaa in lagu xanibo in Mareykanka ay yimaadaan qaxootiga ka imanaya dalalka Soomaaliya, Iraq, Libya, Iran, Sudan, Syria iyo Yemen, sida ay sheegeen ilo ku dhow madaxweynaha iyo khubro arrintan la socda.

Dhammaan dalalkan qaxootiga ka imanaya la xanibi doono ayaa ah dalal Islam ah.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale ka fakaraya in la dhammeeyo gebi ahaanba barnaamijyada qaxootiga iyo visaha ee dadka muslimiinta ah, laguna beddelo mid lagu keenayo dadka diimaha laga tirada badan yahay haysta.

Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday in haddii uu madaxweyne noqdo uu dalka Mareykanka ka mamnuuci doono inay yimaadaan dadka muslimiinta ah.

Wuxuu sidoo kale marar badan weerar ku qaaday dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa Minnesota oo uu sheegay inay musiibo ku noqdeen horumarkii iyo amnigii gobolkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com