Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhaqaalo badan oo galay qasnada guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Dhaqaalahaasi ayaa ah mid ay isku diiwaan geliyeen musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana mid walbaa uu bixinayay 30 kun oo doolar.
Inka badan 450.000 “Afar boqol iyo konton kun” oo doolar ayaa ilaa iyo hadda ku dhacday qasnada dhaqaalaha ee Guddiga doorashada madaxweynaha dalka.
Kala bar lacagtaasi ayaa waxaa loogu deeqay dadka abaaraha ay ku saameeyeen gobolada dalka Soomaaliya, maadaama horey xildhibaanada baarlamaanka ay iskugu raaceen.
Lacagaha kale ee soo haray ayaa waxay ku bixi doonaan sugida amaanka, adeegyada loo baahan yahay xiliga doorashada iyo madaxda guddiga oo dhaqaalaha qaar qaadan doono.
Ilaa iyo hadda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee buuxiyay sharuudaha laga doonayo ayaa gaaraya 15 musharax oo uu ku jiro Xasan Sheikh Maxamuud.
Waxaa maanta ku eg waqtiga loo qorsheeyay inay musharixiinta is diiwaan gelin karaan.
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

