Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Doorashada la filaayo in dalka ay ka dhacdo Bisha fooda nagu soo heysa.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in mar waliba uu ku qanci doono Guddiga Doorashooyinka waxa uuna sheegay inuu ku aaminqabi doono Natiijada kasoo bixi doonto Doorashada.
Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in ficilka laga filaayo haddii laga guuleysto uu yahay inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha cusub ee ka guuleysta.
Waxa uu sheegay inuu filaayo in Musharaxiinta kale ay ku qanci doonaan haddii ay dhacdo in looga itaal roonaado doorashada.
“Anigu waan ku qanci doonaa natiijada waxaana diyaar u noqon doonaa inaan garabsiiyo Madaxweynaha iga guuleysto”
Dhinaca kale, Xasan Sheekh waxa uu ku baaqay in Musharaxiinta heerka Madaxweyne ay ilaaliyaan shuruudaha iyo nidaamyada doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

