Maalmahaan dambe waxaad maqlaysaa dad qaylo-dhaaminaya oo leh ‘badda ninkii bixiyey ayaa madaxweyne u sharraxan’. Haddaba, Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘waxba wax baa ka daran’. Waxaa la hilmaansan yahay inuu sharraxan yahay hoggaankii bixiyey arliga berriga ah ee dhul Soomaaliyeed yiri ‘waxaa leh Itoobiya’. Qiyaanada u weyn ee uu nin hoggaamiye ah ku kaco waa inuu khilaafo distoorka dalkii uu sheeganayey inuu madax u yahay. Distoorkii Qaranka Soomaaliya (Somali State) ee sannadkii 1961-kii lagu ansixiyey afti dadweyne (referendum) mooyee ma jiro, illaa iyo haddeer, mid kale oo afti lagu ansixiyey oo dalka u degsan. Distoorkaas wuxuu si cad u qeexayaa in Soomaaliya ay tahay qaran kala dhiman oo ay tahay in la isu doono, taasoo macnaheedu yahay in dhulal Soomaaliyeed ay ka maqan yihiin Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960-kii. Waxaa yaab leh in maanta uu Soomaaliya hoggaankeedii u sharraxan yahay nin si public ah ugu tuntay qodobkaas. Ninkaasu waa ninkii maxkamad la soo taagi lahaa, sababtuna waxay tahay qiyaamada uu ka galay ummaddii uu ugu dhaartay Kitaabka Qur’aanka kariimka ah inuu ka shaqeynayo dantooda oo ah danta dadka, dalka iyo diinta.
Waxay ila tahay in ummadda Soomaaliyeed meel ay joogto ay wada maqleen in uu xagaagii la soo dhaafay ninkaasi kaga dhawaaqay Jigjiga in dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya haysato uu yahay dhul ay Itoobiya iska leedahay. Hadaaqiisu, wuxuu ahaa wax lala anfariiray oo lala amakaagay. Wuxuu ahaa qiyaamo qaran. Wuxuu la mid ahaa Maxamuud Cabbaas oo yiraahda ‘Quddus, Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza waa dhul Israa’iil ay leedahay’. Waxaa caddaatay inay Itoobiyaanku ka ballan-qaadeen ninkaasi inay taageerayaan ololihiisa doorashada madaxweynaha haddii uu si publicly ah ugu dhawaaqo arrintaas.
Weli taariikhda Soomaalida ma dhicin nin madax ah oo Soomaaliyeed oo oggolaaday waxa uu ninkaasi ka oggolaaday Itoobiyaanka, laga soo billaabo Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Aaden Cabdulle Cusmaan, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Maxamed Siyaad Barre, Cali Mahdi Maxamed, Maxamed Faarax Caydiid, Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Runtii, inuu sidaa yiraahdo waxaa u geeyey laba arrimood: (1) damiir xumo iyo daneystenimo, iyo (2) jahli iyo aqoon la’aan ka haysata taariikhda xornimodoon ee ay Soomaalidu soo martay. Haddii Soomaalidii ay maanta baa ba’day qaran ahaan, ma baa bi’in damiirkeedii iyo dadnimadeedii. Si kale haddii aan u dhigo, haddii jamhuuriyaddii ay burburtay physically, dadkeediina mentally iyo materially, waxaa jira Soomaali badan oo aan luminin moral-koodii oo weli dareen iyo damiir Soomaalinnimo leh.
Xasan Sheekh Maxamuud ma oga in xuduudka aan la wadaagno Itoobiya uu yahay xuduud aan calaameysnayn (provincial border), taasoo macnaheedu yahay sharciyahan in aan marna la isla aqbalin halka xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo. Markii la damcay in la calaamadeeyo sannadkii 1908-kii, Itoobiya waxay sheegatay illaa magaalada Balcad oo 30km u jirta Muqdisho, Soomaalida oo Talyaanigu afhayeen u yahayna waxay sheegteen meel Addis Ababa u jirta 20km oo deegaan u ah beesha Gugundhabe. Dhulalka Soomaaliyeed ee la haysto, waa halbowlayaal maqan oo uu qof kasta oo Soomaaliyeed – yar iyo weynba – ku taamayo. Culumaa’uddiinkii aan bishii March iyo April ee sannadkii hore kula soo kulmay magaalada Harar si xoog leh ayay iila soo dardaarmeen, waxayna igu yiraahdeen ‘kun sano ha qaadato, Harar kuma sii hoos jireyso Itoobiya, waxayna dib ugu noqon doontaa xaruntii Soomaalida ee ay weligeedba ahayd’. Waxaa xusid mudan in distoorkii SYL ee la soo saaray sannadku markuu ahaa 1947-kii uu qorayey in Muqdisho ay tahay caasimad ku meel gaar ah, oo caasimadda shanta Soomaaliyeed ay tahay magaalada Harar. Waxaa xusid mudan in sannadkii 1947-kii uu ahaa markii dhaqdhaqaaqii xorriyad-doonka oo la oran jiray Somali Youth Club (SYC) uu isku beddelay Somali Youth League (SYL).
Haddaba, in nin sheeganaya Madaxweyne Soomaaliyeed uu maanta yiraahdo ‘Itoobiya ayaa iska leh dhul Soomaaliyeed’, qaasatan dhulkii la isu raadinayey boqolaalka sano waa wax lala ooyo oo mudan in la naclado. Waxaa xitaa la yaabban oo ay filanwaa ku noqotay Itoobiyaankii laftirkooda, oo aan website-yadooda ka akhriyey iyadoo qaar ay dhalleeceynayaan hadalka Xasan Sheekh. Waa in ummadda Soomaaliyeed ay ku baraarugtaa in hadaaqa Xasan Sheekh uu caddeyn (evidence) iyo xaqiijin (confirmation) u noqon doono doodda Itoobiya maalinta ay dhacdo in la isla tago Maxkamadda The Hague. Marka ay dhalato dowlad run ah, waxay Soomaaliya ku adkeysan doontaa heestii hoboladeennu horey ugu luuqeeyeen ee ahayd ‘maantana qisaa timideey, gumeysigu ma quustee… Harar qiime weyniyo, quruxdeeda Dirirdhabe, Jigjigadii qaboobeyd, Qabridaharre aneyska leh… Qofaan qaararkeediyo, Dhagaxbuur, qar iyo Hawd, qaaliyada Awaariyo, Qorraxey aneyska leh, geesiyaal quursi diidayow, hubkaad maanta qaadeen, ku qotomiya calanka!’
Waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo in dagaalkii u horreeyey ee Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ay gasho oo dhacay sannadkii 1899-kii ay ku qaadday magaalada Jigjiga oo ahayd ceel biyo laga cabbo oo ay markaas ka hor qabsadeen ciidan ka soo duulay Harar oo uu soo diray Boqor Menelik. Sayidka oo fadhiya dooxada Nugaal, meel u dhow Horufadhi iyo Buuhoodle, oo uu ciidan ka koobnaa beelaha Ogaadeen, Dhulbahante iyo Isaaq (Habar Jeclo iyo Habar Yoonis) ku ururiyey ayaa waxaa codsi ugu tagay odoyaal ka socday jilibka Maxamed Subeer oo ka mid ah beesha Ogaadeen, waxayna u sheegeen inay ciidanka Itoobiya ka boobeen xoolo isugu jira Geel iyo Ari, ayna ku xareysteen qalcad ay ku lahaayeen Jigjiga. Isla markiiba wuxuu duulaan u qabanqaabiyey ciidan uu wakiilkii Ingiriiska ee fadhiyey Harar uu tiradooda ku sheegay laba kun. Habeen madow ayaa iyagoo wata fardahoodii, seefahoodii iyo qoryahoodii waxay u daateen ciidankii Itoobiya. Waxay halkaas ku soo furteen dhammaan xoolihii oo dhan (inkastoo dhimashada iyo geeridu ay ku badneyd dhinaca Daraawiishta). Hase ahaatee, waxaa sahmiye u dhashay Ingiriiska oo marayey Harar xilligaas uu qoray in duullaankaas uu cabsi xoog leh ku abuuray ciidankii Itoobiya ee haystay magaalada Harar oo ay billaabeen inay ilmahooda hubeeyaan, iyagoo ka cabsiqaba inuu Sayidku dhankoodaas u dhaqaaqo.
Taariikhdaas waa taariikh lama illaawaan ah oo ku qoran qalbiyada dadka Soomaaliyeed ee damiirka waddaninnimo leh. Waa taariikhdii ay horseedeen Suldaan Nuur, Xaaji Faarax Oomaar iyo Cabdulqaadir Saqaaweddiin. Waa taariikhdii uu abwaankii gobannimada iyo calan-saarka Soomaaliyeed uu tuducyadaan ugu sarbeebay Itoobiya, ‘Hashaan gaasho weynow libaax igu geli waayey, inaan Goraya-Cawl uga tagaa waa hal soo guraye’. Waa taariikhdii Sheekh Axmed Gabyow oo muddaris u ahaa xer wax ku baran jirtay soonaha Cadale, isagoo ka dhiidhiyey gumeysigii oo docadoceynaaya Soomaalida uu yiri ‘rajulka kaafirahoo rugtaan yimid, sidii Rasuul RABBI nooma soo dirin’. Gobannimadii rafaadkaas loo soo maray in sidaa fudud uu Xasan Sheekh ku nasaqo, waa mid aan galayn maanka iyo maskaxda ummadda Soomaaliyeed. Isagoo uu gardaadinayo General Gabre oo calaamad u noqday qaranjabka iyo kala qoqobka ummadda Soomaaliyeed (the embodiment of the Somali State collapse) ayaa Xasan Sheekh wuxuu ku hadaaqay ‘Ra’iisal Wasaaraha ayaa igu yiri booqo Jigjiga’. Sow taasi kama dhigna inuu si ulakac ah u garab-maray dhaxalkii, dardaarankii iyo waanadii Sheekh Axmed Gabyow iyo Timacadde?
Haddaba, maanta ayay Soomaali talo la gudboon tahay inay ka dhiidhiyaan oo cambaareeyaan hadaaqa ka soo yeeray Xasan Sheekh, oo sida sharciga ah uu mandate-kiisu ku ekaa 10-kii bishii September 2016, balse shan bilood oo jeebkiisa ah ku darsaday. Xasan Sheekh waa inuu ka noqdaa hadalka uu yiri. Waa inuu ogaadaa in sabab ka mid ah sababihii u weynaa ee Soomaaliya ay ku weyday qarankeedii ay ahayd raadintii la raadiyey Soomaali Weyn (Greater Somalia). Waa inuu ogaadaa in qaran Soomaaliyeed oo dib u dhasha iyo arrintaas aysan kala hari doonin. Waa inuu ogaadaa inaanan ka cabsanayn Itoobiya oo aysan maanta naga cilmi badneyn, balse waxa Soomaalidu la’ dahay ay tahay hoggaan suubban oo u horseeda midnimo, wadajir iyo walaaltinimo, kana dheeraada qabiileysi (clannism) iyo eex (cronyism). Waa in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu qiyaamada uu galay kula xisaabtamaa Xasan Sheekh oo aysan dib dambe ugu soo celin talada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
W/D: Mohamed Haji Ingiriis: Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]