Xaakim laalay amarkii Donald Trump uu Soomaalida uga mamnuucay Mareykanka

Seattle (Caasimada Online) – Xaakim federal ah oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington ee dalka Mareykanka ayaa joojiyey amarkii madaxweyne Donald Trump uu dalka uga mamnuucay dadka u dhashay toddobada dal oo muslim ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xaakim degmeed James Robery ayaa gaaray xukun ka dhan ah garyaqaanadii dowladda difaacayey ee ahaa in gobollada Mareykanka aysan xaq u lahayn inay ka horyimaadaan amarka madaxweyne Trump.

Go’aanka Trump uu gaaray toddobaadkii tagay ayaa dhaliyey banaanbaxyo waa weyn oo ka dhacay dalka Mareykanka, waxuuna horseeday jahwareer laga dareemay garoomada diyaaradaha.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in 60,000 oo Visa dad horey loo siiyey dib loo nasaqay.

Amarka Trump ayaa imaanshaha qaxootiga looga joojiyey dalka Mareykanka muddo 120 maalmood ah, ayada oo sidoo kalena guud ahaan dalka Mareykanka looga mamnuucay dadka u dhashay dalalka Iraq, Syria, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen, muddo 90 maalmood ah.

Dacwadda ka dhanka ah Trump ayaa waxaa markii hore xareeyey gobolka Washington, ayada oo kadibna uu gadaal kaga soo biiray gobolka Minnesota.

Xeer-ilaaliyaga gobolka Washington, Bob Ferguson ayaa go’aanka Trump uu ku mamnuucay muslimiinta ku qeexay mid aan sharci iyo dastuuri ahayn, sababta oo ah, wuxuu dadka ku kala soocayaa diintooda.

Xukunka garsooraha ayaa waxa uu macnihiisu yahay in dadka u dhashay toddobada dal ay iminka awoodaan inay codsadaan dal ku galka Mareykanka, ayna soo galaan dalka Mareykanka.

Si kastaba, maamulka madaxweyne Trump ayaa arrintan racfaan ka qaadan kara.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com