Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ka socota su’aalo weydiinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka, kuwaasi oo ka qeyb galaya doodii horey u baaqatay ee musharaxiinta loo qabanayo maanta.
Musharax waliba waxa uu haystaa fursad dhan 1-daqiiqo oo kaga jawaabayo su’aalaha la weydiinayo, waxaana doodu ay socon doontaa illaa laba qeyb. Dooan ayaa ah qeybta koowaad, waxaana xigi doonta qeyb labaad oo ay ku doodayaan musharaxiin kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com