26.6 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Hal arrin oo laga digay inay ka dhacdo hoolka doorashada.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Doorashada C/raxman Ducaale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanada iyo Musharaxiinta aysan dhaqdhaqaaq ku dhex sameyn doonin Hoolka ay Doorashadu ka dhici doonto.

Beyle ayaa sheegay in Musharaxiinta iyo Xildhibaanada looga baahan yahay in howlahooda ay ku dhameystaan banaanka waxa uuna tilmaamay in Howlka ay ka dhici doonto Doorashada la xadidi doono dhammaan dhaqdhaqaaqyada si buu yiri looga fogaado shaki ku aadan dhanka Doorashada.

Beyle waxa uu tilmaamay in mudada lagu gudajiro Doorashada loo baahan yahay in Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ay ilaaliyaan wax waliba oo caqabad ku noqonkarta Doorashada.

Geesta kale, Guddoomiye Beyle ayaa dadka Shacabka ah ugu baaqay inay la shaqeeyan Ciidamada Amaanka ee sugaayo Amniga Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News