26.6 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Burcad bililiqo culus ku heysa leyrarka Cadceeda ee Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Kooxo burcad ah ay bililiqeysteen Leyrarka cadceedda ku shaqeeya ee ku dhagan waddooyinka magaalada Gaalkacyo.

Cali Xuseen Cabdulle oo ka tirsan Golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay jiraan burcad bililiqo ku heysa Leyrarka Cadceeda ku shaqeeya ee ku xiran waddooyinka magaalada Gaalkacyo.

Cali Xuseen ayaa sheegay inay sameeynayaan Ciidamo gaara oo ka hortaga bililqada lagu hayo Leyrarka ku shaqeeya cadceedda, waxa uuna cadeeyay inay jiraan baalal dhowr ah oo laga furtay Leyrarka cadceedda ah.

Waxa uu sheegay Cali, in xilliyada habeenkii saq dhexe la bilaabay in nalalka ku shaqeeya Cadceedda lagala baxo qalabkii ay ku shaqeynayeen sida Batariga ama la furto Soolarka.

”Waxaan qaati ka taaganahay Burcad usoo dhar dhigatay inay bililiqeystaan Leyrarka cadceedda ku shaqeeya, waxaan tabeynaa dhowr leyr oo ku xirnaa Baalayaasha”

Dhinaca kale, Maamulka magaalada Gaalkacyo ayaan weli ka hadal falalkaan kusoo noqnoqday magaaladaasi, iyadoo weli aaney jirin cid ay usoo qabteen arrintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News