28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Musharixiinta ugu badan oo hal hotel ku shiraya iyo Xasan oo ka maqan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in musharixiinta ugu badan ay ku shirsan yihiin mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Musharixiinta ayaa doonaya inay mideeyaan codadkooda ka hor doorashada manta ka dhaceyso magaalada Muqdisho, oo ay ku tartamayaan inka baan 22 xildhibaan.

Wararka ayaa sheegaya in hoteelka Jazeera ay ku shirsan yihiin inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya waxaana ay ka shirsan yihiin sidii ay u mideyn lahaayeen codkooda ka hor doorashada maanta.

Waxaa ilo xog ogaal ah inoo sheegayaan in musharixiinta ay ku rajo weyn yihiin in musharaxa ugu codad bataa wareega labaad ee doorashada inay codkooda wada siiyaan, si meesha looga saaro Xasan Sheikh.

Xalay ilaa habeen hore waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo kala duwan oo lala yeelanayay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo codadkooda la doonayo.

Saacado kadib ayaa waxa amagaalada Muqdisho ka bilaabanaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Caasimada Online ay toos idiinku tabin doontaa doorashada maanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News