Garowe (Caasimada online) – Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa hadda ku baraarugay isfahamka u socda Somaliland iyo Khaatumo ee ka socdo magaalada Addis Ababa.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka hadlay heshiiska u dhaxeeya labada maamul ee ku aadan dhulka Puntland sheegato ee Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Cali Khaliif Galeyr ayuu sheegay inuusan jirin cid uu matalo oo ku sugan dalka Jabuuti, waxaana uu sheegay in dhulkaasi uu ka mid yahay Puntland.
Heshiis ka dhacay sidookale dalka Jabuuti ayaa dhigayay in joogitaanka deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee Somaliland lo baahan yahay inay ku darto degmada Buuhoodle.
Wuxuu Cameey sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid been abuur ah oo deegaanada Buuhoodle hoostaga ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

