Farmaajo oo qaadi doona tallaabo farxad galineysa ciidamada qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu bilaabi doono bixinta mushaaraadka Ciidamada Dowlada ka hor inta uusan magacaabin Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Madaxweyne Farmaajo ayaa howlaha la filaayo inuu qabto ka hormarin doona bixinta mushaaraadka, iyadoo sababta lagu sheegay inaan ciidamada Qaranka lasiin mushaaraadkooda bilihii tagay.

Ciidamada Militeriga ayaa la sheegay in Mushaarkooda uu ahaa Boqol dollar, waxa uuna siin doonaa min Laba boqol oo dollar, sida aan ku heleyno xogta Saraakiisha.

Boqolka dollaar ee lasiiyo Ciidamada Dowlada, gaar ahaan kuwa Militeriga ayaa la sheegay inuu u qoray Madaxweynaha inta uu ahaa Ra’isul wasaaraha.

Ciidamada Dowlada qeybahooda kala duwan ayaa mushaar joogta ah ka qaadan Dowlada, waxaana arrinkaasi loo sababeeyay Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho, maadaama Ciidamadu ay ka niyad jabeen howlahooda shaqo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay ugu celcelshay inuu tayen doono Ciidamada Qaranka si looga kaaftoomo Ciidamada Shisheeye ee magac u yaalka ku jooga dalka, waxa ayna talaabadaani dhabar jab ku noqon doontaa Dowladii lagala wareegay talada dalka oo aan bixin jirin mushaaraadka Ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com