Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in heer gabo-gabo ah uu marayo qorshe lagu soo daabacayo lacag cusub oo Shilin Soomaali ah, lacagtaasi oo dalka laga adeegsan doono.
Bashiri Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in waqti badan ay geliyeen sidii loo heli lahaa lacagtan cusub oo Soomaaliya ay yeelato.
Arinta ugu daran ee laga baqayo inay lacagtaasi soo kordhiso ayaa ah in keenista lacagtaasi aysan noqon mid si sahal ah ku dhacdo, iyagada oo laga eegayo in lacagtaasi dib loo daabici karo iyada oo Faalso ah.
Lacagtaasi in Soomaaliya ay timaado waxaa ku baxeyso lixdan milyan oo doolarka Mareykanka, sida lagu sheegay qiimeyn lagu sameeyay lacagtaasi iyo qaabka Soomaaliya lagu keeni karo.
Somaliya ayaa lacagta hadda ay haysato ah Kunka shilin Somaliga ah, iyadoo aanu jirin wax ka weyn ama ka yar Kunkaasi.
Waxyaabaha kale ee laga baqanayo ayaa ah in dad gaar ah gacanta u gasho lacagtaasi, taasi oo keeni karta sicir barar ku dhaca shacabka Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]