Muuqaal: Sidee loo garaacay xildhibanadii kasoo horjeestay heshiiskii Imaaaradka iyo Somaliland?

Waxaa shalay kulan buuq badan ka dhashay yeeshay Xildhibaanada laba aqal ee maamulka Somaliland kaasoo lagu ansixiyey heshiiskii dhex maray dowladda imaaraadka carabta iyo Somaliland kaasoo timaamayey inay Berbera ka sameystaan saldhig milatari.

Siilaanyo oo hor tagay xildhibaanada labada aqal ayaa cod dheer uga codsaday inay ansixiyaan xildhibaanada labada aqal heshiiska ay la galeen Imaaraadka taasoo keentay inay xildhibaanada qaar buuq iyo qeelo dhaliyaan maadaama ay ku andacoonayeen inaysan macluumaad badan ka heysan heshiiskaas.

Waxaa ka dhex bilaabatay gacan qaad iyo dagaal waxaana kulanka isaga baxay guddoomiyaha barlamaanka Somaliland C/raxmaan Ciro.

Sidoo kale ciidamada Maamulka ayaa kulankaas xoog uga saareen Xildhibaanadii kasoo horjeestay heshiiska loo saxiixay Imaaraadka carabta.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka sheekadaan