Xildhibaan lagu weeraray Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia lagu weeraray Xildhibaan Muno Sheekh Khaliif (Muno Kay) oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Darawalka Xildhibaanada, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray Gaariga ay Xildhibaanada wadatay.

Weerarka ayaa la sheegay inay fuliyeen Kooxo la socday Gaari kuwaa oo hareer istaagay Gaariga kadibna ku huwiyay rasaas xoogan.

Xildhibaan Muno Kay, ayaa barteeda Snapcha-ka soo dhigtay in weerarkaasi lagu qaaday gaarigeeda, waxa ayna tilmaantay inuu ka dhashay Khasaaro hal ruux oo dhaawac ah.

Dhinaca akle, Muna Kay, oo fashion designer- ah ayaa waxaa ay ka mid aheyd xildhibanaddii dhawaan kusoo biiray Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com