Daawo: Sahacbka oo xoog ku fujiyay sawirada Shariif Xasan kuna bedelay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo Caasimadaha Gobolada dalka ka socda dhaqdhaqaaqyo ay dadka shacabka ah ku rujinayaan Sawirada Musharaxiinta laga guuleystay ee ku dhagan baalayaasha.

Shacabka ayaa Sawiradaasi ku bedelaaya kuwa Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo kasbaday quluubta Shacbiga Soomaaliyeed.

Sawirada laga rujiyay baalayaasha Xayeysiinta ayaa waxaa kamid ahaa Sawirada Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo lagu bedelay Sawirada Madaxweyne Farmaajo.

Sawirada Farmaajo ayaa waxaa dhaqaale ku bixiyay shacab is biirsaday kuwaa oo ujeedkoodii uu ahaa in magaalada Muqdisho iyo Caasimadaha kale ay ka muuqdaan Sawirada Madaxweynaha cusub.

Inta badan Baalayaasha xayeysiinta magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku hardhan Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo ay dhajiyeen dadka shacabka wixii ka danbeeyay Guusha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com