Wax badan ka baro la taliyaha cusub ee Farmaajo xagga amniga iyo beesha uu kasoo jeedo

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweyne Farmaajo oo maanta la wareegay taliska madaxtooyada villa Soomaaliya ayaa magacaabay Dhawr  xil, isagoo markaan ku dhawaaqay cidda noqoneyso taliyihiisa xagga amniga qaranka.

Xuseen Macalin Maxamuud oo kasoo jeedo Beesha Murusade loona yaqaanDamuumaaye horeyna usoo noqday xoghayaha guddiga amniga qaranka ayuu farmaaje u magacaabay inuu noqdo lataliyihiisa xagga amniga qaranka.

Ninkaan xilkaan loo magacaabay ayey walaalo yihiin Xasan Macalin Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada dowladda cusub sidoo kalana ah madaxa xisbiga Daljir ee dalka ka jiro.

Xuseen wuxuu horey usoo noqday La Taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynayaashii hore, waana sarkaal sare oo ka tirsan hey’adda nabadsugida qaranka isla markaasna heysto dhalashada dalka Ingiriiska.

Shaqsiyaadka uu maanta madaxweynaha xilalka u magacaabay ayaa dhamaantood ah kuwa qibrad u leh shaqadaan horayna xilal usoo qabtay sida  Safiirkii Midowga Yurub u fadhiyey Soomaaliya iyo Belgium Dr. Cali Siciid Fiqi oo loo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Siyaad Maxamuud Shire ayaa isna loo magacaabay Protocolka ama hab maamuuska madaxtooyada kaasoo horey u ahaa qunsulka safaaradda Jeddah.

Dadka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey xilalka cusub ee uu maanta magacaabay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com