26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Farmaajo oo ka hadlay suuragalnimada Khilaaf dhexmara isaga iyo Kheyre

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa ka hadlay Khilaafyada soo laalabta ee u dhexeeyay Madaxweynayaasha iyo Ra’isul wasaaraha xilka haya markaa.

Farmaajo waxa uu sheegay in Dowladiisa ay ka caafimaad qabi doonto Khilaafyada noocaasi ah, waxa uuna cadeeyay inaan la maqli doonin Khilaafka isaga iyo Ra’isul wasaaraha.

”Inaan is khilaafno aniga iyo Ra’isul wasaaraha taa waan ka feejiganahay waana sababta aan usoo xushay Kheyre, insha allah ma dhici doonto khilaaf dhexmara aniga iyo Ra’isul wasaaraha”

Farmaajo waxa uu sheegay in waxa loogu yeero Khilaaf uusan jiri doonin 4 sano ee soo socta, waxa uuna meesha ka saaray inay jirto sabab leysku khilaafo.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay khilaaf in ay ka madax banaan tahay Dowladdiisa mudada soo socota ee uu maamulayo, isagoo sheegay in aysan dhici doonin isaga iyo Ra’isul wasaaraha in ay is khilaafaan.

Farmaajo waxa uu sidoo kale, Ra’isul wasaaraha iyo Xildhibaanada BFS ka dalbaday inay ka dhabeeyan ballanqaadka ay ku dhaarteen, waxa uuna ka dalbaday inay wada yeeshaan wada shaqeyn dhow.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay kalsooni buuxda ku qabaan Dowlada iyo go’aanada ay gaarto, waxa uuna dhankooda ugu baaqay inaysan sii deynin oo ay ka faa’iideystaan fursadaha Dowladnimo.

Dhinaca kale, waxa uu Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ugu baaqay inuu kaashto shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ka fiirsado fulinta waxyaabaha aan u cuntamin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News