Xog: Yuu R/W Kheyre kala tashanayaa magacaabista wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan si rasmi ah loo ansixiyey Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii uu helay aqlabiyadda ugu badan xubnaha Baarlamaanka.

Haddaba Ra’isulwasaaraha ayaa dhawaan looga fadhiyaa inuu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada oo la filayo inay noqdaan kuwa aad loogu qanco.

Haddaba Ra’isulwasaaraha ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday latashiyo uu la sameenayo qeybaha kala duwan ee Bulshada sida siyaasiyiinta, Odayaasha, Xildhibaanada, Culumaa’udiinka isagoo doonayo inuu golihiisa wasiirada cod fiican uga helo xubanaha Baarlamaanka.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ka dhawaajiyey inuu Kulamadaas ujeedkooda yahay sidii uu usoo dhisi lahaa wasiiro shacabka Soomaaliyeed wax u qabto kana turjumayo rabitaanka shacabka.

Wuxuu sheeciyay in xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono ay ka shaqeyn doonto sidii ay usii xoojin laheyd taageerada shacabka soomaaliyeed ay u hayaan dowlada Soomaaliya isla markaana ay ahmiyada koowaad ay siindoonto la shaqeynta shacabka.

Ra’isulwasaaraha ayaa kalsooni buuxda ku qabo Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya isagoo ka dhawaajiyey inuu u keeno doono wasiiro ay ku qancaan codkana ay siiyaan wuxuuna ballan qaaday inay xukuumadiisa sida ugu wanaagsan ula macaamili doonto Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com