26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 6, 2026

Muxuu Faarax Macallin ka yiri tallaabada ay DF ka qaaday Shariif iyo Kheyre?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dadaab ee dalka Kenya, Faarax Macallin, ayaa si adag uga hadlay xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dowladdu ay tahay cidda kaliya ee xaq u leh inay gacanta ku hayso awoodda hubka.

Faarax Macallin, oo qoraal ku daabacay bartiisa X, ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli ciidamada ammaanka Soomaaliya ay hub culus iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigeen aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, gaar ahaan agagaarka guri uu dhowaan ka baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Dowladaha oo kaliya ayaa ah inay yeeshaan awoodda gaarka ah ee hubka,” ayuu qoray Faarax Macallin.

Wuxuu sheegay in kooxaha aan dowlad ahayn ee isku daya inay awood ku raadiyaan rabshado ay tahay in dowladdu ka adkaato.

“Rabitaanka aan xadka lahayn ee ah in awood lagu qabsado rabshado, marka ay wadaan jilayaal aan dowlad ahayn, waa in lagu xakameeyaa awood ciidan oo ka sarreysa,” ayuu yiri.

Qoraalka Faarax ayaa yimid kadib markii booliska Soomaaliya ay sheegeen inay howlgal ka sameeyeen degmada Cabdicasiis, halkaas oo ay kusoo bandhigeen illaa lix gaari dagaal iyo hub culus oo ay sheegeen in lagu qabtay howlgalladii ugu dambeeyay.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, oo la hadlay wariyeyaasha, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay gacanta kusoo dhigeen hub sharci-darro ah oo ay ku jiraan qoryaha BKM, RPG iyo Dhashiike.

Wuxuu sheegay in hubkaas uu halis ku ahaa amniga guud ee caasimadda, isagoo intaas ku daray in la xisaabtami doono madaxdii hore ee uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dhacdooyinkii ka dhacay Mirinaayo.

‘Dowlad daciif ah’

Faarax Macallin ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dalalka burburay ay ka mid tahay dowlad fulinteedu daciif tahay.

“Nacabka ugu xun ee dowladaha fashilmay ee dunida saddexaad ay wajahaan waa fulin daciif ah,” ayuu qoray.

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud inuu qaado tallaabo uu ku mideynayo Soomaaliya.

“Xasan Sheekh waa inuu u kaco hawsha mideynta Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo adeegsanaya xarafka laga soo gaabiyo magaca madaxweynaha.

Faarax Macallin ayaa sidoo kale sheegay in dalalku ay mararka qaar ku badbaadaan hoggaan adag oo ilaalin kara xasilloonida, midnimada dhuleed iyo kala dambeynta.

“Qarammadu waxay si wanaagsan ugu badbaadaan hoggaamiyeyaal awood leh oo naxariis leh, kuwaas oo ilaaliya xasilloonida, midnimada dhuleed iyo guud ahaan sharciga iyo kala dambeynta, halkii ay noqon lahaayeen dowlado fashilmay,” ayuu qoray.

Hadalkan ayaa si weyn ula jaanqaadaya doodda dowladda federaalka ee ah in aysan aqbali doonin in hub sharci-darro ah lagu haysto gudaha caasimadda, gaar ahaan kadib iska horimaadyadii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada socda ay yihiin kuwo lagu ururinayo hub ay ku eedeysay maleeshiyaad la xiriira siyaasiyiin mucaarad ah. Mucaaradka ayaa dhankooda ku eedeeyay dowladda inay adeegsaneyso awood ciidan si ay u caburiso dhaqdhaqaaq siyaasadeed.

‘Dagaal qabyaalad maya’

Faarax Macallin ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dhaqanka dagaal-oogeyaasha uusan meel ku lahayn dowlad casri ah.

“Dagaal-oogennimo meel kuma laha dowlad casri ah,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maamul xumo jirta lagu sixi karo waqti iyo hannaan siyaasadeed, balse aysan taasi macnaheedu ahayn in mucaaradku hub qaadan karo.

“Dowlad xumo mar walba waqti ayaa lagu sixi karaa,” ayuu qoray.

Isagoo tusaale u soo qaatay Mareykanka, ayuu intaas ku daray: “Mareykanka waa tusaale caadi ah oo dal si liidata loo maamulo ah, balse mucaaradku si fudud hub uma qaadan karo.”

Qoraalka Faarax ayaa kusoo aaday xilli xaaladda Muqdisho ay weli kacsan tahay, inkastoo Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu shalay ka guuray gurigii Mirinaayo kadib wada-hadallo dhexmaray isaga iyo Villa Somalia, kuwaas oo ay ka qeyb qaateen wakiillo caalami ah iyo qaar ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa sidoo kale dhowaan hub ay sheegtay in laga qabtay dhinaca ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre kusoo bandhigtay degmada Howlwadaag, halkaas oo iyaduna ay ka dhaceen iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo lala xiriiriyay mucaaradka.

Hadallada Faarax Macallin ayaa sii xoojinaya dooda ah in khilaafka siyaasadeed uusan marna isu beddeli karin awood ciidan, xilli dowladda iyo mucaaradku ay weli isku hayaan cidda mas’uul ka ah rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

 

- Advertisement -

Read more

Local News