Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in qaar kamid ah ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ay maanta soo goosteen, isla markaana ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan Baydhaba.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada, waxaana hoggaaminayo sarkaal kamid ah saaxiibadii Lafta-gareen.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragga soo goostay uu ku jiro gudoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle, kaas oo kamid ahaa mas’uuliyiinta muddooyinkan ku sugnaa duleedka Baydhaba oo fadhi u ah ciidanka Lafta-gareen.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo si weyn loogu soo dhaweeynayo bartamaha magaalada, waxaana u mahad-celiyeen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Arrintan ayaa loo arkaa mid saameyn ku yeelan karta dhaq-dhaqaaqa ay weli kooxda Lafta-gareen ka wado deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan aagga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin.
Ciidamadan ayaa marar kala duwan soo weeraray magaalada, waxaase ka hortegay ciidamada ammaanka oo ku guuleystay inay si nabad u dhacdo doorashada, kadibna loo dhiso dhammaan hay’adaha kale ee maamulka.
Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkan wajaheysay xaalado amni oo ka dhashay kadib tallaabadii dowladda dhexe ee meesha looga saaray maamulkii hore.

