Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in Washington ay dhawaan beegsan doonto xarumaha nukliyeerka Iran, gaar ahaan xarun dhulka hoostiisa ku taalla oo ku dhow Natanz.
Hanjabaadan ayaa imaneysa xilli Mareykanka uu habeenkii 11-aad oo xiriir ah duqeymo ka fuliyay gudaha Iran, iyadoo Tehran ay uga digtay Washington in ay beegsato xarumaheeda nukliyeerka.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ay qeyb ka ahaayeen howl-gallo loogu talagalay “in lagu sii wiiqo awoodda Iran ee ay ku halis gelin karto maraakiibta ganacsiga” ee mara marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Hormuz.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka laga hawl-geliyay caasimadda Tehran, halka qaraxyo laga soo sheegay magaalada waqooyi-galbeed ku taalla ee Tabriz, dekedaha koonfur-bari ee Chabahar iyo Konarak iyo magaalada koonfureed ee Bushehr oo ay ku taallo warshadda keliya ee tamarta nukliyeerka ee Iran.
Iran oo horay uga jawaabtay weerarrada Mareykanka iyo xulafadiisa Bariga Dhexe ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin aargoosi ah kadib hanjabaadda madaxweyne Trump.
Xiisadda u dhexeysa labada dal ayaa dib u soo cusboonaatay toddobaadkii hore kadib markii ay burbureen xabbad-joojin hore loo gaaray bishii April, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan gacan-ku-haynta marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Gacanka Hormuz.
CENTCOM ayaa sheegay in ciidamadeeda ay bartilmaameedsadeen xarumaha hawl-gallada milatari ee Iran, awoodaha badda, hangarrada diyaaradaha, goobaha lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo kaabeyaasha saadka milatari.
Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale Iran ku eedeeyay inay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay weerarro ku qaaday in ka badan 30 markab ganacsi oo marayay Gacanka Hormuz.
“Dhaq-dhaqaaqyadan aan loo meel dayin waxay halis geliyeen boqolaal badmaaxayaal aan waxba galabsan, waxayna wiiqeen xorriyadda isu-socodka maraakiibta,” ayuu yiri CENTCOM, isagoo intaas ku daray in marin-biyoodku uu weli “u furan yahay isu-socodka maraakiibta ganacsiga”.
Dhanka kale, ciidamada Kuwait ayaa sheegay aroornimadii Arbacada inay hawl-geliyeen nidaamyada difaaca cirka kadib markii ay ka hortageen weerarro diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo qaaday Iran. Bahrain iyo Jordan ayaa iyaguna sheegay inay qabteen weerarro kale oo isugu jiray gantaallo iyo drones.
Qiimaha shidaalka caalamka ayaa sare u kacay kadib sii xoogeysiga xiisadda, iyadoo foostada saliidda ay gaartay $94 Arbacadii.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Washington ay weli diyaar u tahay in ay wada-hadal diblomaasiyadeed la yeelato Tehran, balse uu sheegay in uusan aaminsanayn in Iran ay dhab ka tahay wadaxaajoodyada.

