Sawirro: Gaalkacyo oo lagu soo bandhigay gaari Candha-meedle Qaraxyo laga soo buuxiyay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa goordhow soo bandhigay Sawirada Gaari nooca loo yaqaan Candha-meedlaha oo lagu soo xiray Qaraxyo tan culus.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ujeedka Qaraxyada Gaariga uu ahaa in lagu haligo shacabka Puntland, waxa uuna maamulka cadeeyay in Gaariga iyo Qaraxyada ku xirnaa iminka la kala furfuray.

Maamulka waxa uu sheegay in Gaariga Qaraxyada siday uu u kala gooshi jiray Magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne.