Somaliland oo wax lagu qoslo ku tilmaamtay arrintii uu sameeyey Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan heshiis wada saxiixday Maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta waxaana lagu wareejiyey Dekadda Berbera taasoo keentay in looga hadlo siyaabo kala duwan haba ugu horreyso dowladda Soomaaliya oo si weyn uga hor imaaday heshiiskaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan la kulmay boqorka Sacuudi Carabiya isagoo ka codsaday inuu dhex dhexaadiyo iyaga iyo imaaraadka si looga wada hadlay sababata keentay inay heshiis aysan dowladda ogeyn ku qaataan Dakadda Berbera.

Haddaba arrintaan waxaa jawaab deg deg ah oo xanaaq ka muuqdo ka bixisay Somaliland iyadoo ka dhawaajisay inaysan jirin cid ka hor imaan karto heshiiskaas.

Axmed Xaashi C/llaahi oo ah Wasiir ku-xigeenka madaxtooyada Maamulka Somaliland oo la hadlay saxaafadda ayaa ka dhawaajiyey inay Farmaajo qalad ku tahay inu soo faragashto arrimaha Somaliland.

Wuxuu ku tilmaamay arrin qosol ah inuu madaxweyne Farmaajo Sacuudiga ka codsado inay imaaraadka joojiso heshiiska isagoo shaki geliyey sida ay dowladda Sacuudiga ugu qancin karto imaaraadka carabta arrintaan.

Axmed ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu u madax banaan yahay inuu galo heshiisyo caalami ah wuxuuna ugu dambeyntii Farmaajo ka codsaday inuu kaliya sugo amaanka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com