Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ku sugan Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khliif Ugaas Rooble oo casuumaad ka helay Madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugaas Xasan ayaa kulan hordhac ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo oo ka dalbaday inuu qeyb ka qaato wadatashiga lagu soo dhisaayo Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.
Ugaas Xasan ayaa la sheegay in la hordhigay Wasaarada ay Dowlada u garatay Beesha Xawaadle, waxaana la xaqiijiyay in shaqsi ahaantiisa uu soo jeediyay in Beesha ay u baahan tahay in lasiiyo laba Wasaaradood midkooda kuwaa oo kala ah Arrimaha Gudaha ama Amniga.
Ugaas Xasan waxa uu sheegay in Beeshiisu aysan carqalad ku heyn Dowlada cusub balse ay doonayaan inay helaan mid lamid ah Xuquuqda Beelaha kale.
Odayaasha Beelaha ayaa si joogta ah ula kulmaaya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, si ay iskula meeldhigaan go’aankii lagu magacaabi lahaa Golaha iyadoo aan loo gafin beel gaara.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wada la tashiyada Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in Ra’isul wasaare Kheyre uu Golaha Wasiirada ku magacaabo go’aanka kasoo baxa la tashiyada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

