Muxuu Muuse Suudi ka yiri xildhibaanada dhalinyarada ee baasaboorada kale wata

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee dalka ayaa ka hadlay howlaha xildhibaanada horyaala.

Muuse Suudi, ayaa ugu horeyn sheegay in howlo badan ay horyaalaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ee dhalinyarada u badan, wuxuuna kaga digay inay Laaluush ku badashaan howlaha qaranka loo qabanayo.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in dadka odayaasha ah ee baarlamaanka ka mid ah ay heystaan kaliya hal baasaboor oo Soomaali ah, balse xildhibaanada dhalinyarada ay badankood ka yimaadeen dibada oo labo baasaboor ay wataan.

Wuxuu uga digay xildhibaanada baarlamaanka inay musuq iyo laaluush ku badashaan masiirka ummada Soomaaliyeed oo ay u dhaarteen.

“Dhallinyarada xildhibaannada ah haddayna musuqmaasuq nagu soo kordhin oo ayna dalalka ay ka yimideen beesada u qaadan, dalkeenu waa dhismaa”

“Odayaasheenu hal baasaboor ayay wataan, waa Soomaali, mar naloo gaduudiyaa marna waa naloo cagaariyaa laakin kuwa dhowr baasaboor wata”ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee Aqalka sare kasoo galay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com