Shaacin: Immise lacag oo laaluush ah ayaa Imaaraadka uga baxday heshiiska Berbera?

Muqdisho Caasimada Online) – Waxaa dhawaan heshiis wada saxiixday maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka carabta kaasoo ujeedkiisu ahaa inay Berbera Imaaraadka ka dhisato saldhig military oo laga duqeeyo Xuutiyiinta dalka Yeman oo xeeb wadaag la ah Soomaaliya.

Haddaba heshiikaas waxaa ka dhashay muran badan oo ka dhacay kulankii Baarlamaanka Somaliland ay ku ansixinayeen heshiiskaas iyadoo markii dambe si xoog ah xarunta baarlamaanka looga saaray xubnihii kasoo horjeeday saxiixa heshiiskaas.

Sidoo kale heshiiskaas waxaa sharci darro ku tilmaamatay dowladda soomaaliya oo sheegtay inaysan imaaraadka xaq u laheyn inay heshiis kula wareegto meel kamid ah Soomaaliya iyadoo aysan raali ka aheyn Soomaaliya.

Waxaa heshiiskaas lagu tilmaamay inuu ahaa mid aan waafaqsaneyn sharciga heshiisyada caalamiga ah balse Somaliland waxay ku adkeysatay inaysan jirin cid ka hor imaan karto heshiiskaas.

Haddaba shabakadda caasimadda online ayaa heshay xog xaqiiq ah oo muujineyso lacagta laaluushka ah ee imaaraadka Carabtay uga  baxday heshiiskaas.

Illo wareedyo rasm ah ayaa noo xaqiijiyey inay imaaraadka heshiiskaas ku bixiyaan lacag gaareyso ilaa 85 Milyan oo Dollar taasoo ah lacag aad u badan oo ay qaateen shaqsiyaad iyo maamulka Somaliland.

Caasimadda online ayaa wado baaritan ku aadan sida lacagtaas loo qeybsaday iyo shaqsiyaadka si rasmi ah lacagtaas u qaataan waxaan warbxinadas idinla wadaagi doonaa saacado kadib Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com