Madaxweynaha Turkiga oo mar kale muujiyey jaceylka uu u qabo shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa mar kale muujiyey jaceylka uu u qabo shacabka Soomaaliyeed kadib markii uu si deg deg ah uga hadlay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa bartiisa Twitterka uga dhawaaqay ololo loogu gurmanayo dhowr dal oo abaaro ba’an ay ku dhufteen, isla markaana ay ka taagan xaalad aad u xun oo laga deeriyey.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa ku dhawaaqay ololaha oo lacag loogu ururinayo dalalka Bariga Afrika iyo Yeman, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah arrintaas wax looga qabto.

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sameysay akoono gaar ah oo dadka reer turki ay ugu deeqayaan abaaraha ka taagan dalalka ay kamid tahay Soomaaliya waxaan sidaas ku baaqay madaxweynaha.

Dayib ayaa dadkiisa ugu baaqay inay Soomaaliya u fidiyaan taageero dhaqaale si looga saaro xaaladda abaareed oo ay la dhibaatoonayaan.

Qoraalka uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa imaaneyso xilli madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare ay Kheyre ay beesha caalamka ugu baaqeyn inay si deg deg ah usoo farageliyaan xaaladda abaareed ee ku dhufatay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com