CC oo ceeb weyn dhexda ka galay iyo lacagta laaluushka ee uu ku qaatay heshiiskii Berbera oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa qaabkii Imaaraadka Carabta ay ugu guuleysteen heshiiska saldhigga dekedda Berbera ee ay la galeen maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inay bixiyeen laaluush lacageed oo gaaraya 85 milyan oo dollar, oo la siiyey shaqsiyaad iyo kooxo si heshiiskaas uu u meel-maro.

Maadaama sharciyan Somaliland ay ka tirsan tahay Somalia Imaaraadka ayaa ku qasbanaaday inay saxiix ka helaan dowladda Soomaaliya, taasi oo ka hor-istaagi karta in mustaqbalka saldhigga ay ka horyimaadaan caqabado dhinaca sharciga.

Haddaba caasimadda Online ayaa soo ogaatay inuu Cumar Cabdirashiid oo ahaa Ra’isulwasaarihii xilligii imaaraadka heshiiskaas loo saxiixay  uu qaatay lacag laaluush oo tiradeeda lagu sheegay ilaa 35 Milyan oo lacagta Ameerikaan ah si uu qeyb weyn uga qaato fududeynta heshiiskaas oo ay dowladda cusub ee Soomaaliya wado sidii ay u fashilin laheyd.

Haddii ay dhab tahay in Cumar Cabdirashiid saxiixay heshiiska, waxaa taa macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliya ee madaxweynuu ka yahay Farmaajo aysan waxba ka qabin karin arirntan.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa laga doonay inuu arrintan u caddeeyo shacabka Soomaaliyeed, haddii kale waxaa loo qaadan karaa inuu raali ka yahay.

Madaxweynaha ayaa horey dowladda Sacuudiga uga codsaday inay dhexdhexaadiso isaga iyo dowladda Imaaraadka Carabta, mana cadda illaa iyo hadda wixii kasoo baxay dadaalladan.

Dhinaca kale, Wargeyska warbixinada sirdoon ee Africa Intelligence ayaa qoray in ka hor inta aan la saxiixin heshiiska loo geeyey ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, kaasi oo soo ansixiyey, maadaama Ethiopia ay walaac xooggan ka qabtay heshiiskan.

Ethiopia ayaa lagu warramaya inay heshiiskan kusoo dartay qodobka dhigaya in ciidamo aan ahayn kuwa Imaaraadka Carabta aysan adeegsan karin saldhigga – Arrintan oo la sheegay in Ethiopia ay ka baqday in Masar ay saldhigaas adeegsato, maadaama ay xiisad kala dhaxeyso.

Haddaba waxaan dhawaan haddana idinla wadaagi doonaa lacagta kale ee ka dhiman 85 Milyan ee laga qaaday Imaaraadka cidda laaluush ahaan u lunsatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com