Wada tashiyada wasiirada oo dhamaad marayo iyo beelaha waaweyn oo ku loolamayo dhawr wasaaradood

Muqdisho Caasimada Online) – Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa si xooli ah uga socdo wadatashiyadii ugu dambeeyey ee ku aadan magacaabista golaha wasiirada cusub.

Xusul duubka ugu weyn oo ay wadaan Beelaha waaweyn ayaa waxaa uu ka jira Wasaaradaha Gaashaandhigga, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Cadaaladda oo ah wasaaradaha ugu tunka weyn ee lagu dagaalamayo.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa wado wadatashiyadii ugu dambeeyey oo uu ku magacaabayo Golaha wasiirada waxaana la filayaa inay kasoo muuqaan doonaan waji ku cusub siyaasadda Soomaaliya.

Xasan ayaa ku jiro kulamo aan kala joogsi laheyn oo habeen iyo maalin ah waxaana la filayaa inay hadda mareyso meeshii ugu dambeysay iyadoo ololahaas ay soo bilaabatay ka hor inta aan la ansixin Ra’isulwasaaraha.

Warar soo baxayey ayaa sheegayo in qaar kamid ah liiska wasiirada lagu soo diyaariyey magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya waxaana la rajeenayaa in wasaaradaha loo yaqaan (A) ay kusoo baxaan shaqsiyaad aad ugu dhaw madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo Ra’isulwasaraha uu sharci ahaan heysto muddo 30 maalin ah inuu kusoo magacaabo golihiisa wasiirada haddana madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa ka codsaday inuu kusoo magacaabo 15 berri si ay dhaqso u bilaabato shaqada Dowladda.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo nooca iyo tirada ay noqon doonaa wasiirada cusub iyadoo lasoo sheegayo inay noqon doonaa kuwa ka badan kuwii hore waxaana la qiyaasayaa inay u dhaxeyn doonto 25 – 30 xilli ay soo shaac baxeyso in wasiiro cusub lagu soo kordhin doono Soomaaliya halka qaarkii isi saarnaa la kala qaadi doono.

Xubnaha ugu badan ee kasoo muuqaan doono wasiiradaan ayaa la sheegay inay yihiin shaqsiyaad aan kamid aheyn Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna madaxweynaha qorsheenayaa inuu keeno wasiiro lala xisaabtami karo oo aan ka mid aheyn Baarlamaanka.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com