Dowladda Farmaajo oo ku lug yeelatay Isku dhacii ugu horeeyay ee diblumaasiyadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa isku dhacii ugu horeeyay ee diblu maasiyadeed kala kulantay dowladda Imaaraatka Carabta.

Sida xogaha aan ku heleyno dowladda Imaaraatka Carabta ayaa safiirkeedii ka joogay magaalada Muqdisho u yeertay, wuxuuna tagay magaalada Dubai.

Ujeedada yeeritaanka safiirka ayaa ka dambeysay kadib markii safiirka uu ka qeyb galay xafladii caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaana uu muddo ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu ku shaqeynayay sanadihii ugu dambeeyay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Imaaraatka Carabta ay ka carootay hadalkii kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsanaa heshiiska saldhiga Meletari ee Imaaraatka doonayo inuu ka dhiso magaalada Berbera.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in heshiiskaasi uusan noqon mid dhaqan gala, laakiin imaaraatka ayaa doonaya inuu saldhigaasi ka hergeliyo magaalada Berbera.

Arintaasi ayaana sababtay in dowladda Imaaraatka Carabta ay u yeerto safiirkeeda ka joogay magaalada Muqdisho, waxaana ay noqoneysaa dowladii u horeysay oo diblumaasiyad ahaan ay isku dhacaan dowladda cusub ee Farmaajo.

Lama oga sida ay xal ku gaari doonaan labada dowladood, waxaana dowladda Farmaajo laga sugayaa sida ay u wanaajiso dowladda Imaaraatka iyo xiriirkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com