Xog-warran: Lacagta laaluushka ee uu xisbiga Kulmiye ka qaatay Imaaraadka oo la ogaaday

Muqdisho Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa qaabkii Imaaraadka Carabta ay ugu guuleysteen heshiiska saldhigga dekedda Berbera ee ay la galeen maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inay bixiyeen laaluush lacageed oo gaaraya 85 milyan oo dollar, oo la siiyey shaqsiyaad iyo kooxo si heshiiskaas uu u meel-maro.

Waxaan dhawaan idinla wadaagnay in Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid uu qaatay lacag gaareyso 35 Milyan oo kamid ah 85 Milyan oo ay Imaaraadka ku bixisay heshiiskii Berbera.

Lacagta la siiyey Cumar Cabdirashiid ayaa looga gol lahaa sidii uu dowladda Soomaaliya uga xigsan lahaa heshiiskaas maadaama Somaliland ay sharci ahaan kamid ah tahay dalka Soomalaiya waxayna Imaaraadka ka fakartay inay caqbad kala kulmi karto Soomaaliya oo ay lagama maarmaan tahay inay hesho shaqsi uu ka fulli karo saxiixa dowladda Soomaaliya sidaas ayeyna u siiyey laaluushkaas Cumar Cabdirashiid.

Haddaba 50 Milyan ee ka dhiman lacagta ay Imaaraadka ku bixisay heshiiskaas ayaa waxaa qaatay madaxda maamulka Somaliland oo baarlamaankiisa uu saxiixay heshiiskaas.

Waxaa la xaqiijiyey inay lacagtaas qaateen madaxda ugu sarreyso xisbiga Kulmiye oo ah xisbiga hadda haya talada Somaliland.

Xisbiga Kulmiye oo difaacanyey lacagta laaluushka ah ee uu ka qaatay Imaaraadka Carabta ayaa u dhaqaaqay siduu uu u hirgelin lahaa heshiiskaas waxayna hor geeyeen baalarmaanka iyagoo xir xiray xildhibaanadii heshiiskaas ka hor imaaday taaso ugu dambeyntii keentay ku guuleysiga saxiixaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com