Khilaaf beeleed xoog leh oo ka dhashay isku shaandheyn lagu sameeyey shaqaalaha xafiiska R/W

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinayo in Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu badalay shaqsigii ahaan jiray agaasimihii maaliyadda xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Xilkaan ayaa waxaa heyn jiray Muqataar Xuseen Wehliye kaasoo la xaqiijiyey in xilkiisa uu waayey inta uusan Ra’isulwasaare Kheyre qaban xilkaaan.

Markii uu xafiiska imaaday Ra’isulwasaare Kheyre ayaa bilaabay inuu isku shaandheyn ku sameeyo shaqaalaha xafiiskiisa wuxuuna markii ugu horreysay xilka ka qaaday Cabdisalaan Salwe oo ahaa shaqsi kasoo jeedo Puntlad wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamed Keynaan oo ahaan jiray la taliyihii Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba Ra’isulwasaaraha ayaa saxiixay waraaq loogu magacaabay  Bashiir C/llaahi xilka agaasimaha maaliyadda ee Xafiiska Ra’isulwasaarahana waxaana la xaqiijiyey inay ninkaan ay saaxiibo dhaw yihiin.

Haddaba arrintaas ayaa waxaa ka dhalatay is qabqabsi beeleed oo u dhaxeyso agaasimihii hore ee maaliyadda xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo kan cusub ee hadda loo magacaabi rabo inkastoo aan weli Degreetada saxaafadda lala wadaagin haddana waxaa la ogaaday inuu ninkaas magacaabi rabo.

Ra’isulwasaaraha ayaa looga fadhiyaa inuu xaalintaas xaliyo waxaana macquul inuu qaato go’aan uu dib uga laabanayo magacaabista uu rabay inuu dhawaan banaanka keeno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com