Maxaa keenay inuu xumaado xiriirka Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyey sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeyey dowladda uu hoggaaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Imaaraadka Carabta oo dano qarsoon iyo kuwa muuqda ka leh Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa si deg deg ugala baxday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey waxaana looga yeeray magaalada Dubai.

Arrinta keentay inuu xumaado xiriirka dowladda iyo Imaaraadka ayaa timaaday markii ay dowladda Soomaaliya si weyn uga hor imaaday heshiiska ay Somaliland iyo Imaaraadka saxiixdeyn oo qeexayey in lagu wareejiyo Dekadda Berbera oo ah meel istaraatiiji ah iyagoo doonayo inay halkaas weeraro uga qaadaan Xuutiyiinta Yeman.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dhawaan safar deg deg ah ku tagay dalka Sacuudiga ayaa boqorka ka codsaday inay Sacuudiga soo farageliso arrinta ay Imaaraadka ku heyso Dowladda Soomaaliya oo sharci yaqaanada ay ku tilmaameyn inay tahay mid aan sharci aheyn.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in si deg deg ah ugu yeertay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Danjire Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, waxa uuna safiirka ku laabtay magaalada Abuu Dubai.

Amarkan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu shegay in uu safiirka ugu laabtay dalkiisa, Safiirka ayaana la filayaa in uu warbixin siiyo Wasaarada Arimaha Dibada .

Dowladda imaaraadka Carabta ayaa dhaqalo fiican siin jirtay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud inkastoo ay markii dambe bilowday inay Soomaaliya ka sameyso howlo xad gudub ku ah qaanuunka caalamiga ah.

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa muujisay inaysan ku qanacsaneyn shaqada ay Imaaraadka ka wado meel ka mid ah Soomaaliya waxayna qaadacday heshiiskii ay galeyn Somaliland iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com