Xog: Yuu Farmaajo la doonayaa hoggaanka maamulka Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in kaalin buuxda uu ka qaato dhismaha maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Somalia ayaa doonaaya in meesha uu ka sifeeyo maamuladii uu dhawaan dhisay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku bedeli doona maamulo isaga ka tallo qaata.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wada ololo uu Hogaamiyaha cusub ee Galmudug uga dhigaayo Taliyihii hore ee NISA, qeybta Gobolka Banaadir Khaliif Erag oo ay soo wada shaqeeyen mudadii uu ahaa Ra’isul wasaaraha.

Farmaajo ayaa la sheegay in Khaliif Erag ay kawada hadleen arrintaasi, walow aan la xaqiijin karin inuu ogolaaday iyo in kale.

Farmaajo ayaa aad ula dhacsan shaqooyinka Khiliif Erag, waxaana sidoo kale la sheegayaa inay isaga dhow yihiin Mas’uuliyiinta kale ee kasoo jeeda Beesha Habar-gidir, iyadoo taa lagu sheegay sababta ugu weyn ee uu Madaxweynaha ugu soo bandhigay Erag inuu ka qeybqaato Doorashada Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaaya in Gobolada dalka uu ka dhaqan galiyo maamulo ku tiirsan Dowlada si looga gudbo khilaafyada inta badan ka dhex dhaca Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa kaalin weyn ka qaadan doona Doorashada Galmudug, waxaana suuragal ah inuu gaaro halkaasi, walow aan la cadeyn karin xiliga uu halkaasi gaari doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com