Keating: Haddii aysan dowladda Farmaajo halkaan arrin sameyn way fashilmi doontaa sharcina ma noqon doonto

Muqdisho (Caasimada Online) – Ereygeyga qaramada Midoobay u fadhiyo Soomaaliya Micaheal Keating ayaa markii ugu horreysay tilmaamay hal arrin oo keeni karto inay fashilmato dowladda cusub ee uu calanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Keating ayaa ka dhawajiyey inay dowladda cusub ee Soomaaliya heysato taageerada shacabka sidoo kalana laga rajeenayo inay dadka u horseedo horumar iyo waxqabad muuqdo.

Keating ayaa sheegay inay dowladaan fashilmi doonto haddii aysan ku guuleystay inay isku xirto Hey’adaha deeq bixiyaasha ah si loogu gargaaro dadka ay saameysay dhibaatada.

Micaheal Keating ayaa sheegay in doorashada ay rajo weyn gelisay dadka Soomaaliyeed, ayna ahayd tallaabo ay taariikhda xusi doonto , balse wuxuu ka digay arrimaha ka dhalan kara abaarta ka jirta Soomaaliya oo mareyso halkii ugu sarreysay maadaama ay 24 saac gudahood geeriyoodeen 75 qof oo ay abaarta saameysay.

Wuxuu yiri: “ dowladda cusub ee Farmaajo haddii ay ku fashilmato inay isku xirto gargaarka, kana bixiso jawaab cad abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, waxay la kulmi doontaa caqabado iyo dhibaatooyin adag”.

Keating oo ka hadlayey shaqada ugu horreyso ee Dowladda looga fadhiyo ayaa ku tilmaamay inay tahay  sidii ay Soomaaliya uga saari laheyd abaaraha ku habsaday.

“ Haddii aysan ka jawaabin abaaraha waxaa dhaawacmi doono sharci ahaanshaheeda iyo taageerada ay heysato” ayuu mar kale yiri Keating.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli dowladda cusub gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ay wadaan dadaalo badan oo ay ugu gurmanayaan dadka tabaaleysan oo ay abaarta ku heysto Gobolo badan oo ka tirsan Soomaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com