Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan soo magcaabi doono wasiirada cusub waxaana la filayaa inuu shaqo bilaabo marka ay Baarlamaanka u ansixiyaan wasiirada.
Xukuumadda cusub waxaa hor yaalo arrimo badan oo u baahan in la xaliyo waxaana ugu horreyso inay dowladda ka shaqeyso sidii uu xiriirka maamul Goboleedyada kala dhaxeeyo dowladda u noqon lahaa mid wanaagsan.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxaa hor taalo sidii ay maamulka Somaliland ugu qancin laheyd inay wadahadal la yeeshaan lagana dhaadhacsiiyo inay ka taanulaan mowqifkooda ah inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.
Haddaba waxaa lsoo calaamadeeyey hal arrin oo Xasan Cali Kheyre u fududeyn karto inuu Somaliland la gaaro is afgarad ku dhamaado inay Somaliland wax ka qeybsato dowladda Soomaaliya oo ay noqoto maamul goboleed ka timid ah.
Madaxdii hore ee dalka ayaa waxaa ku adkaa in maamulka Somaliland ay kusoo biiriyaan maamulada kale ee dalka, waxaase muuqaneysa in Ra’isul wasaare Kheyre ay u sahlan tahay in Somaliland uu kasoo jilciyo mowqifka ay ku taagan tahay.
Arrintaan ayaa waxaa loo cuksanayaa maadaama uu Kheyre aad ay isugu dhaw yihiin madaxda iyo siyaasyiinta Maamulka Somaliland, iyadoo ay intaa u dheertahay waajib ka saaran in Somaliland uu ku qanciyo Siyaasada iminka taagan ee lagu mideynaayo dhammaan maamulada dalka.
Ra’isulwasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre ayaa imankaba bilaabay siyaasad furfuran oo uu kusoo jiidanayo maamulka Somaliland, waxayna illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiskiisa caasimadda u xaqiijiyeen inuu markii xilka la wareegay kadib xiriir la sameeyey madaxda Somaliland.
Dadka siyaasadda indha indheeyo ayaa qabo inuu Kheyre heysto fursad weyn oo uu Somaliland kula hadli karo sidoo kalana uu kasoo hoyn karo guul weyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]