Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga furay Shirkad si gaara uga shaqeysa qodista Qabuuraha iyo Aaska Meydadka taa oo ay ka howlgalaan shaqaale aad u farabadan oo cadadooda lagu sheegay ilaa 50 shaqaale.
Shirkadaani ayaa maamusha Qabuuraha Barakaat ee Degmadda Yaaqshiid, oo ah halka ugu badan ee lagu aaso dadka ku geeriyooda magaalada Muqdisho.
Shirkadaani ayaa Xafiisyo lagala xiriiro ku leh dhulka baaxada weyn ee loogu magacdaray Qabuuraha Barakaat, iyadoo qoysaska ay asiibto musiibada gaara Xafiiskaasi ka hor inta aan la aasin Marxuumka si ay u bixiyaan dhaqaale lagu sheegay $100 oo isugu jirta dhaqida iyo Aaska.
Xafiisyada ayaa sidoo kale la sheegay inay kala qaabilsan yihiin qeybo kala duwan waxaana ku jira Xafiis qaabilsan Diiwaan-gelinta sababaha uu u geeriyooday Marxuumka.
Xafiiska Labaad ee ugu shaqada badan ayaa isna la sheegay in lagu bixiyo Kharaj dhan 100-Dollar si loo aaso maydka la diiwaan-geliyey.
Maamulka Shirkada ayaa sheegay in faa’iidooyinka ay u fureen shirkada ay tahay inay fududeynayso dhinacyada qodista godadka maydka, Xararka, Fuustadda iyo Biyaha loo isticmaalayo Aaska.
Waxaa kale oo ay sheegen inay jiraan Baalayaal loogu talagalay qodista godadka iyo ciidda lagu rogayo marka maydka la dhigo iilka qabriga.
Sidoo kale, dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad ula yaabay Hindisaha Mashruucan lagu asaasay Shirkad u qaabilsan Hawlihii Aaska Maydadka.
Dhinaca kale, Shirkadaani ayaa noqoneysa shirkadii ugu yaabka badneyd ee abid laga furo Somalia, maadaama ay ka macaasheyso Meydka mudan in la xawaalo shuruud la’aan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]